Sida Afka-Somaliga uu ufasaqay Af-Axmaarigu iyo erayada tooska loo isticmaalo ilaa hada

Filed under: Maqaalo |

Waxaan faaladan kooban ku eegidoonaa Afkeena hooyo  “Afsomaliga” iyo
sida Af-Axmaarku uu u fasaqay amaba u dhexgalay luuqada somalida
deegaanka somalida dhexdiisa iyo sida ay u isticmaalaan dadkii iyagu
kudhex barbaaray bulshawaynta ku hadashay AF-Axmaarka. Sida lawada
ogsoonyahay dalkan Itoobiya waxaa lagaga hadlaa luuqado badan oo uu
kamidyahay Af-Somaligu maadaama ay kunoolyihiin qoomiyado kaladuwan oo
ay kamid tahay qoomiyada somalidu.

Luuqada Axmaariga ayaa ah luuqada koowaad ee dalkan Itoobiya,
waxayna ahaan jirtay luuqada guud ahaan lagu shaqeeyo dalka iyo
deegaanadiisaba tan iyo intii aan la ansixinin in qoomiyad kastaa ay
isku maamuli karto afkeeda hooyo.Qoomiyada somalida ayaa ah qoomiyada
kaliya ee sigaara tixgalin usiisa luuqadeeda marka labarbardhigo
deegaamada kale oo iyagu run ahaantiiba la odhan karo wakhtiyada qaar
wayba ka guureen luuqadoodii dadka oodhamina waxay kuwada hadlaan wuxuu
ahaan jiray Axmaari.

Hadaan tusaale usooqadano qoomiyadaha Cafarta iyo Oromada, waxaa
jirta in marka laga yimaado dadka reer guuraaga iyo dadka aan aqoonta
lahayn, waxaa dhicijirtay in aqoonyahanka, ardayda iyo maamulkuba ay
ahmiyada koowaad siinjireen luuqada axmaariga, tusaale ahaan waxaad
arkaysaa dad isku dad ah isku luuqad ah hadana kuwada sheekaysanaaya
Axmaari. Halka dadka somalidu meel kasta dalka hakajoogaane aadan
arkaynin iyaga oo luuqad kale kusheekaysanaa dhxdoodu, marka laga
yimaado mararka ay rabaan inay fahmaan dadka aan iyagu garanayn luuqada
somaligu mooyaane.

Iyadoo ay taasijirto ayaa hadana waxaa jirta in afka somaligu
degmooyinka qaarkood intii aysan deegaanka somalidu burburin dadkii
kasoojeeday deegaankuna aysan kusoolaabanin, waxaa jiray  dad iyagu
halkan kudhashay kuna dhex barbaaray kuwaas oo afkoodii somaliga uu
fasaqay af-axmaarku. Waxaa jira erayo badan oo  Axmaari ah oo ay dadkani
Somali ku garanwaayeen balse ay sameeyeen turjumaad toos ah (direct
translation). Waxaanan halkan kusooqaadan doonaa tusaalayaal dhawr ah oo
ay kamidyihiinn qaar ay noosoogudbiyeen akhristayaasha shabakadu.
Hadii aan ku bilaabo erayada lagu sameeyay turjumaada tooska ah ee ilaa
hada deegaanka aad looga isticmaalo waxaa kamid ah.

1.“Bagaad Faraxdeen”   oo toos looga soo turjumay axmaariga “Inkuwaan
dhasalaaju”.Eraygan waxaan markii koowaad afkiisa kamaqlay mad kamid
ahaa wasiiradii waxbarashad deegaanka oo magacii la odhan jiray
Abdiwaasac oo hambalyo udiraayay arday qalin jabisay, balse waa eray aad
loo isticmaalo ilaa hada.

2. “Halumin” oo iyadana toos looga sooturjumay erayga axmaariga ah ee “Atidfaa”.

3. “Sawirbaan kacayaa” oo laga soo turjumay sida uu akhristaha nooso
diray qoraalka hoos ku qorani qeexay erayga axmaarka ah ee “ Foto
anasalaw”.

4.Iyo qaar kaloobadan oo aan filaayo in akhristayaashu ay kusoo kordhindoonaan, waana sidan qoraalkii uunoosoodiray akhristuhu:

Allah ayaa mahadi dhamaanteed usugnaatay waxaa kaloon halkan uga
mahad celinayaa bahda barnaamijka ama shabakada Kilil5.com oo noo
sahashay inaan codkayaga ama aragtidaya ka dhiibano arimaha ku aadan
Dawlada Degaanka Soomaalida. Waxyaalaha ugu muhiimsan een rabo inaan soo
jeedi ama aan jeclahayba in laga hadlo waxaa ka mida ah horumarinta
Afkeena Hooyo oo ah Afsoomali.

Inkastoo Afsoomaliga xaga schoolka aad looga hor mariyay hadana
waxaan odhan karnaa bulshada dhexdeeda wuu ka dhintay ilaa heer waxuu
marayaa markii la rabo in jumlad Afsoomaali ah la yiraahdo inay dadka
qaarkooda afkale oon koodii ahayn soo turjuntaan oo ay
Afsoomaaliyeeyaan.

Tusaale ahaan waxaa kamida arimaha aan rabo inaan ka hadlo khaladaad
fara badan oon dadkii aan isku asxaabta ahayn kala kulmay amaba bulshada
aan dhexdeeda iyadoo la isticmaalayo arkay sida marka uu qofi rabo inuu
sawirlaha tago oo uu isa soo sawiro ama taswiiroba hadii uu qofi
waydiiyo meesha uu tagayo waa inuu ku yiraahdo sawirlaha ayaan tagayaa
oo waan isa soo sawirayaa halka ay dadka amxaaradu ka yiraahdaan marka
la turjumana noqonaysa  “SAWIR AYAAN SOO KA CAYAA” . Marka arinkan
markaad eegto wuu kula dhibyaryahay balse waxuu keeni doonaa inay dadku
afkooda hooyo jumlad ku sax u waayaan oo ay afkale iska turjuntaan
sidaasna lagu waayo luuqadii afka soomaaliga.

Tusaale aan kugu siiyo afkale markaas ayaad fahmi ujeedadaydee; nin
ayaa waxuu rabay inuu sxbkiis dhibkiisa uga waramo sxbkaas oo wax ubalan
qaaday oofina waayay. Waxuu rabay inuu ingiriis ku yiraahdo “waad
ilugoysay, ganacsigaygiina wuu iga kacay(baaba’ay), iyo xaaskaygiina
waan furay” kolkaasuu yidhi: “You cut my leg, my business stand up, and I
opened my wife. Hadii afkii aad udhalay saas oo kale ugu hadasho soo
nasiib daro ma aha waliba hadii aad wadan kale ku dhalatay layaab maad
yeelateen.

Ta ugu daran ee iga hadlisay waxay tahay nin dhan oo masuul ah
isaguna afkale turjumaya oo dad la soo hor istaagay ayna jirin qof ama
cid ufiirsatay waliba hadalka uu odhanay Diiniyan ahaan dad uu
ixtiraamayo ugu yidhi balse danbi ah, waana hadal madaxwaynayaasha
qaarkood ee deegaanka soomaalida iyo madax ka mid ahi isticmaalaan.
Marka aan rabno inaan ka hadalno nimco Allah nasiiyay waxaan niraahnaa
“WAA ILAAHAY MAHADII” siiba xiliga ciidaha ama waxaan niraahnaa “WAXAA
MAHAD ISKA LEH ALLAHII NABADA NAGU SOO GAADHSIIYAY” erayo dhigma oo ka
turjumaya mahadcelin xaga rabi ahaatay. Hadii balka madaxda qaarkood ay
Afka Amxaariga turjuntaan oo ay dadka muslimiinta ah ku yiraahdaan
erayga ay xiliga ciidahooda is yiraahdaa waana sidan “BAGAAN SOO
GAADHNAY CIIDAN” marka afxabashi lagu yiraahdo waa “UNKAAN DARASEN”
marka waxaan odhan afkaaga hooyo erayadiisu macnaha ay kuu samaynayaan
kuuma samayn karo afkale hadaan garanyn waxlagu yiraahdo dadka waydii HA
TURJUMIAN AFKALE OO AADAN LAHAYN HADII KALE XUS AYUU KULA GALI.

Source: Kilil5

loading comments...