Madaxeynaha Yemen Cali Cabdala Salax Oo Dhaawac Xumi Madaxa Ka Soo Gaadhay Iyo Sucuudiga Oo Cadeeyay In Wadankiisa Lagu Dawaynayo.

Filed under: Warar |

June 5, 2011 Sanca, (Cadceed) – Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax Ayaa Lagu Soo Waramayaa In Ladhaawacay Kadib Markii Masjid Kuyaala Qasriga Madaxtooyada Yemen Duqayn Wayn Loo Gaystay, Madaxweynaha Ayaa Dhaawac Madax Ahi Kasoo Gaadhay Duqayntaasi.

Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax Ayaa War Duuban Oo Maqal Ah Kasiidaayay Idaacadda Isagoo Kawarbixinaya Xaaladiisa Caafimaad, Wuxuuna Sheegay Inay Xaaladiisu Aad Ufiican Tahay, Madaxweyne Saalax Ayaa Weerar kaasi Ku Eedeeyey Koox Qabiil ah Cadaw U ah Dawladiisa, Hase Ahaatee Ninka Madax da U Ah Qabiilkaasi Ee Al Axmar Ayaa Sheegay Inaanay Weerarkaasi Wax Shaqo Ah Ku Lahayn,

Sidookale Madaxweyne Saalax Ayaa Ku Amaanay Ciidamadiisa Daacadda U Ah Sida Ay Uga Hortageen Wax Uu Ku Sifeeyey Budhcada Qaanuunka Kabaxsan Ee Weerarkaasi Fuliyey.

Madaxweyne Saalax Ayaa Sheegay In Lagu Dilay 7 Sarkaal Oo Ku Sugnaa Masjidka Kuyaala Qasiriga Madaxtooyada Isaguna Uu Kudhaawacmay, Sikastaba Ha Ahaatee Madaxweyne Saalax Ayaa Hadalkiisa Kusoo Gabagabeeyey Inay Gacanta Kusoo Dhigidoonan Kooxda Fulisay Weerarkaasi Wakhti Kasta Oo Ay Gaadhoba.

Dhinaca Kale Boqortoyada sucuudiga ayaa cadeeyay in madaxaweynihi yaman Cali abdle Salaxa u soo gadhay boqortoyada sucuudiga goor danbe oo habenimadi Sabtidi iyada oo ay Sido diyaarad sucuudiya oo ku qalbaysan adeega cafimadku Waxaa Kalo diyaaradda Kula jiray Madaxa kale oo iyaguna ku dhawacamay duqaynti ka Dhacady.

Qasariga Madaxatooyada sanca maalinti jimcihi Wakaalada wararka ee Reuters ayaa Shegtay in Madaxawenuhu uu diyaarada kag soo dagay cagihisa hasa yeshee ay ka Muqadaan dhawacayo ka soo gadhay madaxa luqunta iyo wajiga waxaa kale wararku Sheegen in diyaarada madaxweynaha kentay ay la socotay diyaarad kale oo yaman laga Leyahay oo siday 35qof waxaa la sugayaa iyadana mid sadexaad in ay timado.

Dadka u dhuun daloola xalada yaman ka taagan ayaa sheegaya in diyaradahaasi dadka ay Siday u badan yihiin qarabadi madaxawenaha taas oo laga dhandhan sanaayo In aanu madaxaweynuhu dib ugu soo noqondonin yaman oo u xukumayay mudo 30sano ah waraka ugu danbeyana waxay sheegayaan in madaxawene ku xigeenka abdi rabo Mansur u la waregay dhamaan awodihi madaxawenaha sancana waxaa ka socada Damashaadayo badan oo ay sameenayaan mucaradku abdi khalaq abdala oo ah aqonyahan culumta siyasada kadhiga imardka carabta ayaa yidhi tani waa istarjiyad ugu Fican ee u madaxawenuhu ku baxo ha ahaato mid cafmaad ama ha ahaato qorshee sucudigu udhigay ama ahaato mid xaga alle ka timi waxay u muqataa istarajiyadi ugu ficneed ee lagu xalin ka ro mushkilad ka taagan yaman wixii warar soo kordha kala soco cadceednews.

Cadceednews, San’a
Cadceednews@gmail.com

loading comments...