Socdaalkii Gobyarey

Filed under: Community Board,Warar |

Waxaan ka baxnay magaalada Jig Jiga subax dhulka daad ayaa yaalay samaduna buluug aan fad saarayn ayaa ay ahayd waxaan u jahaysanay dhinacaa iyo magaalada Gobyarey, waxaan na hogaaminaayay Mudane Axmed Ibrahim  A. Hassan oo ah hanti dhawrka guud ee kilika shanaad, waxaan baabuurka noo waday Mr. Libaax oo ahaa nin khibrad badan u leh wadida baabuurka.

Waxaan sii maray wado laami ah oo cusub oo tegta ilaa Tog Wajaale. Intii aan dhexda sii maraynay waxaan daawanaynay dhulka quruxda badan ee u dhexeeyay labada magaalo Jig Jiga Magaalo madaxda kilika shanaad iyo magaalada Gobyaray. Dhulku waxaa uu ahaa doog oo beeruhuna waa ay baxayeen dadkuna  teel teel ayaa uu dhulka ku ahaa markii aan waydiinayna waxaa ay nagu yidhaheen dadkii dhuka degi jiray magaalooyinka ayaa ay galeen (rural immigrant) arrintaas oo aduunyada sedexaad caan ka ah.

Waxaan sii daawanaynay xoolo xayn xayn u socda oo dad waa weyn iyo caruuri ay wadaan oo sida ay u muuqatay aan hawl badnayn waayo xaalada markaa lagu jiray oo barwaaqo ahayd. Xoolaha ugu badan ee aan sii daawanaynay waxaa ugu badnaa adhi, lo iyo geel aan sidaa u badnayn. Dhulka waa hore ayaa la kala yeeshay oo qof waliba intii uu lahaa ayaa uu ku egyahay wallow dhulka banaa la wada daaqaayay si wadaag ah.

Waxaa iyaguna samada dulaayaay shimbiro koox koox ah oo qurux badan oo noocyo kala duwan ah kuwaas oo indhhayaga aad u soo jiitay quruxdooda iyo codadka ay bixinayeenba. Waxaan dhammaantayo wada xasuusanay dhulkii aan mari jiray markaan yar yarayn waayo waayo. Intaas oo dhan waxaa ay ku tusinayaan in nabadu tahay furah nolosh fiican.

Mudane Axmed Ibrahim oo ah hogaamiye aad u da’yar laakiin ah nin aad u caqli badan oo na hogaaminaayay ayaa dhulka iyo talooyin badanba na siinaayay. Waxaa uu la hadlay Magaalada Gobyar dadkii maamulaayay intii aan dhexda soo soconay oo noo sii diyaar garobay soo dhowayntayada. Waxaan ku horaynay xafiiska maamulka deg mada oo ay si fiican oo qoto dheer uu warbixin naga siiyay madaxa deg madaas Mr. Farxaan yare iyo ku xigeenkiisa. Waxaa ay ka warameen waxbarashada, tirada dadka, inta tuulo ee ay magaaladu xukunto, xaalada biyahay, nolosha dadka iyo ta duunyaba. Intaas ka diba waxaa hadalkii qaatay mudane Ahmed Ibrahim oo si fiican uga war bixiyay nolsha iyo xaalada guud ee ay degmadu marayso.

Intaas ka dib waxaa hadalkii lagu soo wareejiyay anaga oo kala ah Muse Abdi Hassan iyo Ali Abdi Hori. Waxaa ku guubaabinay in ay adkeeyaan hore umarka iyo nabada dadkuna ay iskaashadaan. Intaa kadib waxaan ku soo wareenay magaalada oo aad u fidaysa. Waxyaabaha aan la yaabnay waxaa ka mid ahaa dadku sida ay isku jecelyihii iyo sida ay uga wada tashanayaan hore u marinta dhulkooda. Raga maamulaayay deg mada Gobyaray Mr. Farxaan iyo ku xigeenkiisub waxaa ay aheen reg da’yar laakiin aad u bislaaday daacadna u ah in dadkooda iyo dhulkoodaba hore u mariyaan waana ay ku mahdsan yihiin dedaalka ay wadaan.

Alihori1@gmail.com

San Diego, California

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>